Al-shabaab oo Miinooyin ku qarxiyay buundo muhiim u ah shacabka Shabeelada hoose

Al-shabaab oo Miinooyin ku qarxiyay buundo muhiim u ah shacabka Shabeelada hoose

Maamulka gobolka Shabeelada hoose ayaa ka hadllay buundo muhiim u ah isku socodka shacabka gobolka Shabeelada hoose oo ay  qarxiyeen ururka Al-shabaab, iyagoo adeegsanaya miinooyin.

Buundadan ayaa ahayd mid loo mari jiray degmada Qoryooley, waxaana adeegsan jiray beeralayda gobolka iyo guud ahaanba shacabka, waxaana Al-shabaab ay doonayaan inay go’doomiyaan degmada oo ay dhowaan gaareen ciidamo katirsan dowladda faderaalka ah ee Soomaaliya.

Guddoomiye kuxigeenka gobolka Shabeelada hoose Cabdifitaax Xaaji Cabdulle ayaa sheegay buundadan la jaray inay ahayd mid isku xiri jirtay deegaanada Danaw, Shalaambood iyo Qoryooley oo ah deegaanada ugu badan ee wax soo saar ee dalka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay inay arrintan tahay nasiib darro wayn.

 

Al-shabaab ayaa horay u qarxiyay buundooyin ku yiilay koonfurta Soomaaliya, si’ay u go’doomiyaan deegaamada ay dowladda ay maamusho, inkastoo dhibaatada ugu wayn ay taabanayso dadka shacabka ah oo adeegsan jiray.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • Nuurkanederland 6 years ago

    ALSHABAB, ISIS IWM WAXA LOO SAMAYSTAY CEEBAYNTA DIINTA ISLAAMKA & IN LAGU BURBURIYO DUNIDA ISLAAMKA.
    DABCAN WAANA QANDARAASLAYAAL LA SHAQEEYA CIA, MI6, MOSSAD IWM.
    AABAHOODNA WAA MICHAEL KEATING HOYGOODUNA WAA XALANE & BALIDOGLE.
    TOILET & ALWAYS PAPER.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com