Al-shabaab oo marin habaabin iyo dal-qaybsi ku tilmaamay nuxurka shirkii Hiigsiga cusub

Baardheere, September 17, 2013 – Ururka Al-shabaab ayaa ka hadlay shirkii dhaqaalaha iyo Hiigsiga cusub ee Soomaaliya ee xalay ku soo idlaaday Brussels, xili shirkaas lacag ku dhow $2.5 Bilyan oo dollar ay beesha caalamka ugu yaboohday dalka Soomaaliya.

Afhayeenka ururka Al-shabaab sheikh Cali Maxamuud raage ayaa ka hadlay lacagtaas iyo shirka Brussels, wuxuuna ku tilmaamay kulankii shalay mid Soomaaliya lagu qaybsaday, iyadoo dhaqaalaha fara badan uu yahay mid laga leeyahay dano gaar ah.

Cali dheere wuxuu sheegay in lacagta loogu deeqay Soomaaliya ay dowlad kasta ka leedahay dano-gaar ah oo ay ka doonayso Soomaaliya, isagoo ku sifeeyey dal kasta lacagta uu bixiyey in uu doonayo in uu ku qabsado qeyb ka mid ah dalka.

Ugu dambeyntii afhayeenka guud ee ururka Al-shabaab waxaa uu tilmaamay in dadka Soomaaliyed la doonayo in lagu khaldo lacagta faraha badan ee caalamku siiyey dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, isagoo ku baaqay in laga hortago dhibaatooyinka soo socda.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com