Al-shabaab oo lagala wareegay deegaan katirsan Hiiraan

Al-shabaab oo lagala wareegay deegaan katirsan Hiiraan

Ciidamada dowladda faderaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa la wareegay deegaanka Moqokori oo katirsan gobolka Hiiraan.

Deegaankan oo madaxwaynihii hore ee Hirshabelle u aqoonsaday degmo ayaa waxaa ka dhacay dagaal socday muddo saacad ku dhow oo ku qasabtay inay Al-shabaab isaga baxaan deegaanka.

Xaaladda ayaa iminka ah mid degan, inkastoo ay dadku ka baqayaan weeraro rogaal celis ah oo ay soo qaadaan mar kalle ururka Al-shabaab.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com