Al-shabaab oo la wareegtay deegaanka Janaale

Isniin, May 25, 2015 (Daljir) — Wararka ka imaanaya Degaanka Janaale ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Milatariga Soomaaliya ay iskaga baxeen Degaanka Janaale.

Ciidamada ayaa la soo warinayaa in ay qabteen Dhanka Degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabellaha Hoose,iyadoo aan la ogeyn Ujeedka Ciidamada Dowladda ay Janaale u Faarujiyeen.

Al-shabaab ayaa Warbaahinta Taageerta ku soo qoray in Degaanka Janaale ay hada Maamulaan Xarakada Al-shabaab oo markii ay ka baxeen Ciidamada Dowladda ay iyagu qabsadeen.

Qof Goobjoog ah oo Idaacada Daljir u sheegay in Magaalada Janaale aysan joogin Labada Dhinac oo Xaalada Magaaladu ay tahay mid Cabsi ay ka jirto.

Al-shabaab ayaa dhawaan la Wareegay Degaanada Mubaarag iyo Aw-dheegle,iyadoo markii danbe Al-shabaab ay iskaga baxeen

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com