Al-shabaab oo la wareegay deegaanka Dhanaane ee duleedka Muqdisho

Al-shabaab oo la wareegay deegaanka Dhanaane ee duleedka Muqdisho

Al-shabaab ayaa la wareegay deegaanka Dhanaane ee duleedka magaalada Muqdisho, kadib markii ay ka baxeen ciidamada militariga ee dowladda Soomaaliya.

Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay inay la wareegeen deegaankaasi, kadib sanado badan oo ay gacantooda ka maqnayd.

Deegaanka Dhanaane ayaa ciidmada militariga ee ka howlgalayay waxaa ay uga baxeen mushaar la’aan iyo saadkii ciidmada oo ka go’ay.

Deegaankan ayaa dhaca wadada isku xirta Muqdisho iyo magalaada Marko ee gobolka Shabeelada hoose.

Wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegtay sababta mushaar la’aanta iyo saadkuba ay tahay tirikoob lagu wado ciidamada, si mushaarkooda loogu shubo akoonadooda.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • NUURKANEDERLAND 5 years ago

    SOOMAALIYEEY….
    ALSHABAB WAA MARAYKAN.
    MARAYKANA WAA ALSHABAB

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com