Al-Shabaab oo iska fogeysay dilka Ikraan Tahliil

Al-Shabaab oo iska fogeysay dilka Ikraan Tahliil

War kasoo baxay Xarakada Shabaab ayaa lagu beeniyey war ka soo yeeray hay’ada Nabadsugidda Soomaaliyeed ee ahaa in Alshabaab ka dambeysay afduubkii iyo dilkii lagula kacay Ikraan Tahliil oo ahayd Sarkaal u shaqeyneysay hay’adda NISA.

Warbaahinta taageerta Alshabaab ayaa lagu qoray bayaan ka soo baxay Alshabaab qeybta u qaabilsan amniga una qornaa sidan;

“Kama dammbeynmo waxbana kama ogin dilka gabadha lagu magacaabo Ikraan Tahliil ee u shaqeyneysay hay’adda NISA, la yaab ayeyna nagu noqotay in sirdoonka dowlada Soomaaliya nagu masabido dilka gabadhaas, sida dadka Soomaaliyeed ula fajaceen warkaas ayaan anaguna la fajacnay” sidaas waxaa yiri mas’uul u hadlay Jihaazka amniga ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.”

Qoraalka ka soo baxay Alshabaab ayaa lagu sheegay in ay sheegan lahaayeen haddii ay dili lahaayeen gabadhaas balse aysan wax raad ah ku lahayn dilkeeda.

“Haddii shaley dadka muslimiinta ay raafayeen oo xabsiyada ka buuxinayeen, qaarna si bareera u dilayeen, maantana waxaad aragtaan in xitaa kuwii iyaga dad ugu dhawaa ee u shaqeynayey ay kusoo jeesteen oo inta afduubtaan dilaan hadana ehelladii dadkaas ku jeesjeesaan. Dadka Soomaaliyeed waxaan leenahay ubadkiina ka ilaaliya inay u shaqeeyaan maamulada noocaas ah” ayaa lagu yiri warka Al-Shabaab oo si weyn uga soo horjeeda warkii xalay ay soo saareen Hay’ada Nabad Sugida Soomaaliyeed.

Hooyada dhashay Ikraan Tahliil ayaa hore u sheegtay inaysan ka dambeyn dilka gabadheeda Alshabaab ayna rajeyneyso inay beeniyaan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com