Al-shabaab oo iska fogaysay masuuliyada qaraxyadii ka dhacay dhacay guriga hooyooyinka ee Moqdisho.

Moqdisho, Sept 21 -? Afhayeenka kooxda Al-shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali dheere) oo u waramay AFP ayaa sheeegey ineysan ka tirsanayn dagaalyahanadooda dadkii shalay isku qarxiyey baarkii ku yaalay guriga hooyooyinka ee Moqdisho.

Cali Dheere, waxaa uu sheegay inaysan si-toos ah uga tirsanayn kooxdooda, 2-dii qof ee isku-qarxayay makhaayadaasi, balse waxaa uu yiri waxaa macquul ah inay ka tirsanaayeen taageerayaasheena.

“Waxaa jira dad-badan oo taageersan Al-shabaab kuwaasoo dhammaantood ku sugan meelo-badan oo aduunka ka mid ah, waxayna u muuqadaan kuwo ka caraysan xaaladda Soomaaliya ay xilligaan kusugan-tahay” sidaasina waxaa yiri afhayeenka Al-shabaab Cali Dheere.

Waa markii ugu horeeyay ee is-qarxin caynkaasi oo kale oo ka dhacda Moqdisho ay Al-shabaab iska fogayso, waxaana hadalkaan kasoo yeeraya Al-shabaab uu dhalin-karaa shaki u muuqan-kara jihooyin-kale inay ka dambeeyaan.

Maxamed C/llaahi Cali ‘Kooshin’
Radio Daljir.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com