Al-shabaab oo Gacanta ku Dhigtay Askar Kenyan ah

Axad,Janaayo,17-(Daljir)_ Al-shabaab ayaa Bayaan ay soo saartay ku sheegay inay Nolosha ku qabatay 12 Askari oo ka tirsan Ciidamada Millateriga Kenyan ah, kuwaasoo ay sheegtay inay ku qabatay weerarkii ay ku qaaday saldhigga AMISOM ee deegaanka Ceel-cadde.

Xarakada Al-shabaab ayaa bayaankeeda ku sheegtay in tirade dhimashada ciidanka Kenya ay gaartay100Askari, inkastoo aysan weli xukuumadda Kenya si rasmi ah u shaacin tirada ciidamada looga dilay weerarkii saldhgga deegaanka Ceel-cade ee gobolka Gedo.

“Weerarkii saldhigga Ceel-cadde ee Jimcihi dhacay waxaan ku qabannay 12-askari oo nool oo ka tiran ciidamada millateriga Kenya. Tirada ka dhimashada Askarta Ciidanka Kenyana waxay gaartay 100 Askari,” ayaa lagu yiri bayaanka, waxayna kooxdu xustay in dagaalkan uu ahaa mid kii ugu khasaaraha badnaa ee ay u geystaan ciidanka Kenya ee Soomaaliya ku sugan.

Sidoo kale, Al-shabaab ayaa sheegtay in weerarkaas ay fuliyeen Guutada – Saalax Nabhaan uuna howlgalkaas ahaa mid si guul leh kusoo dhammaaday, laakiin ma sheegin khasaaraha dhankooda kasoo gaaray dagaalka.

Dhanka kale, goob-joogayaal ku sugan deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo ayaa iyana dhankooda warbaahinta u sheegay inay arkeen Maydadka Ciidammo dhinacyadii Dagaalku dhex-maray, kuwaasoo qaarkood yaallay afaafka saldhigga la weeraray.

Ugu dabmeyn, Hadalkaan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo ay Al-shabaab ku sheegato inay ku hayso gacanta maxaabiis ka tirsan ciidamada millateriga Kenya ee ay ku weerareen deegaanka Ceel-cadde.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com