Al-Shabaab oo fagaaro ku toogtay Askari katirsan Ciidamada dowladda

Al-Shabaab oo fagaaro ku toogtay Askari katirsan Ciidamada dowladda

Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa fagaaro kuyaalla degaan hoostaga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ay ku toogteen Nin oday ah oo ay sheegeen in uu katisanaa Ciidamada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Ninka oo Magaciisa lagu sheegay Faarax Axmed Cumar oo 43 Sano jir ah ayaa Al-Shabaab sheegeen in uu katirsanaa Ciidamada Millateriga Somalia gaar ahaan Guutada 7aad ee qeybta 60aad kana howlgalayay degaanka Warmaxan ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Goobta toogashada ayaa waxaa ku sugnaa dadweyne ay Al-Shabaab ku amreen inay daawadaan, waxaana Al-Shabaab ay sheegeen in sababta loo dilay ay aheyd in uu qirtay in uu ka tirsan yahay Ciidamada Millateriga dowladda Soomaaliya.

Ninka odayga ah oo ay Al-Shabaab ku toogteen degaan ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose ayaa deganaa degaanka Warmaxan, isla markaana ay qabteen xilli uu marayay inta u dhaxeeysa degaanka Warmaxan iyo degmada Walanweyn.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer sidaan oo kale Goobo fagaaro ah ku toogtay Rag & Dumar ay ku eedeeyeen inay katirsan yihiin Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwo la Shaqeeynayay dowladaha taageera Dowladda Soomaaliya

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • Muscab maxamed abdullhi 2 years ago

    Waan dhegeeysataa warbaahinta maamulgoboleedka soomaaliyeed ee daljir ee garowe iyo bosaso dalkeena soomaalia

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com