Al-Shabaab oo Dishay Ajnabi Damcay ku Biirista Daacish

Somalia, December 06, 2015-(Daljir)_ Wargeyska Sudan Tribune ee ka soo baxa dalka Sudan ayaa heshay xog ku aaadan  in Jihadiste Mohamed Makawi Ibrahim oo ka tirsanaa Dagaalamayaasha Alshabaab lagu dilay gudaha Somalia, kadib, markii uu Madaxda Alshabaab ugu baaqay in lagu biiro Kooxda Daacish ee uu hoggaamiyo Abu Bakar Albaqdaadi.

Mohamed Makawi Ibrahim waxa baadigoobaysay Dowladda Maraykanka, kadib, markii ay isaga iyo saddex nin oo kale lagu helay inay dileen Diplomaasi Maraykan oo la oran jireyJohn Granvile iyo Dareewalkiisa oo Sudanese ahaa sannadkii 2008-dii.

Waxa ay isaga iyo Eedeysanayaasha kale  ka soo baxsadeen Xabsiga Kober oo ku yaalla magaalladda Khartoum.

Dowladda Maraykanka waxay Mohamed Makawi Ibrahim iyo Eedeysanayaasha kale dul-dhigeen lacag abaalmarin oo dhan 5 million oo la siinayo ciddii keenta Warbixin horseeda in la soo qabto Eedeysanayaashaasi.

Mohamed Makawi Ibrahim iyo Ninka kale oo Islaamay oo lagu magacaabo Mohanad Osman ayaa waxa u suurto-gashay inay u soo baxsadaan Somalia, kuna biiraan Alshabaab.

Muhanad Osman ayaa la sheegay in lagu dilay iska horimaad Alshabaab iyo AMISOM horey u dhex maray sannadkii 2011-kii.

Dhinaca kale, Nin saaxiib la ah Mohamed Makawi Ibrahim oo magaciisa qariyey ayaa soo dhigay Internetka in la dilay Makaawi oo 31-jir ah.

Waxa uu tilmaamay inay Ciiddanka Alshabaab dileen, kadib, markii uu ku dhawaaqay inuu ka go’ay Alshabaab, isla markaana taageersan yahay Hoggaamiyaha Daacish, Abu Bakar Albaqdaadi.

Makawi iyo rag kale oo taageeray Daacish ayaa u baxsaday Dhulka Kaymaha, halkaasi oo ugu dambeyntii lagu dilay.

Hoggaanka Sare ee Xarakadda Alshabaab waxay ku dhegan yihiin Heshiiska Ballanka ee ay la galaan Ururka Alqaacida sannadkii 2012-kii, waxayna ka digeen inay surka ka jarri doonaan Dagaalyahankii ku dhawaaqa inuu taageerayo Dowladda Islaamka ee Daacish ee ka dagaalanta dalalka Syria iyo Iraq.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com