Marka, Sept 23 – Waxaa lagu dilay meel 10 km u jirta Marka Cumar Khalafe oo ah Somali 45 sano aaminsanaa diinta Masiixiga.
Dilka Khalafe ayaa lagu sababeeyey kadib markii lagu joojiyey Khalafe iyo 3 wiil oo uu dhalay kontarool ku yaal duleedka, lagana helay 25 kutub oo Injiil ah ‘Bible’ oo uu sitay.
Meydka Khalafe ayaa la geeyey Marka, iyada oo 25-ka kutubtna la dul saaray maydkiisa.
Sida ay daabacday mareegta www.compassdirect.org oo u baahisa warar ku saabsan Masiixiyiinta caalamka ayaa sheegay in Khalafe loo dilay dinta uu aaminsan yahay ee Masiixiga.
Batula Ali Arbow, oorida uu ka dhintay Khalafe ayaa sheegtay in Al-shabaab ay kaxaysteen odaygeeda iyo 3 wiil oo ay dhaleen, da’dooduna u ay kala tahay 12, 11 iyo 7 jiro.
Sida ay cadaysay Batula, waxaa ay dileen 2-dii wiil ee weynaa, halka 7 jirkiina ay sii daayeen.
Diiwaanka Wararka,
Idaacada Daljir.