Al-shabaab oo Dab qabadsiisay deegaanka Yaaq-beri weyne ee gobolka Sh/hoose (Akhriso)

Al-shabaab oo Dab qabadsiisay deegaanka Yaaq-beri weyne ee gobolka Sh/hoose (Akhriso)

Kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab ayaa gubeen guryo ku yiil deegaanka Yaaq-beri weyne ee gobolka shabeellada Hoose, iyadoo guud ahaan dadkii degenaa deegaankaas ay ka barakaceen.
Alshabaab ayaa ku amray dadka ku nool deegaankaas oo ka tirsan degmada Wanlaweyn inay isaga guuraan deegaanka.

Sabbata guryahan ay Al-shabaab ugubtay ayay dadka deegaanka qaarkood ku sheegeen iney ahayd taageero ay shacabka u muujiyeen maleyshiyo deegaanka katirsan oo hubka qaatay kana soo hor jeestay ficilada guracan ay dadka kula dhaqmayaan.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Sh/hoose iyo tan dowlada federalka oo looga hadlayo weerarka A-shabaab.
Diiwaanka warraka Radio Daljir.com.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com