Al-shabaab iyo Daacish oo dagaalkii ugu xumaa uu ku dhexmarayo gobolka Bari

Al-shabaab iyo Daacish oo dagaalkii ugu xumaa uu  ku dhexmarayo gobolka Bari

Dagaal xoog badan oo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kalle duwan ayaa ka socda deegaano hoos taga degmada Qandala ee gobolka Bari.

Dagaalka oo shalay subax qarxay ayaa ilaa iyo hadda socda waxaana uu u dhaxeeya dagaalamayaasha Al-shabaab iyo Daacish, deegaanka uu dagaalka uu ka socdo oo ah dhul buuro ah ayaa  lagu magacaabaa Marshaad, waxaana 50km ay u jirtaa degmada Qandala ee gobolka Bari.

Lama oga waxa dagaalkan uu ku salaysanyahay, balse dagaalo hore ayaa jiray oo labada dhinac dhexmaray, kaasi oo gaystay dhimashada dad inka badan  labaatan ka mid ah dhinacyada dagaalamay.

Dowladda Puntland ayaan wali ka hadlin dagaalkan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • Moha najka 5 years ago

    Is dhameya anagana waanoo jaanis dhulkyag kaliya nooga bx

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com