Site icon Radio Daljir

Al-shabaaab iyo meleteriga dowladda Soomaaliya oo xalay ku dagaalamay duleedka Baydhabo.

Baydhabo, Aug? 5, 2013 – Kooxo hubaysan oo ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa habeenimadii xalayto ahayd, waxay weerar ku qaaden xaruumo ay ciidamada dowladda ku leeyihiin duleedka magaalada Baydhabo.

Wararka ka imaanaya xaruunta gobolka Bay ee baydhabo waxay sheegayaan in weerarka ay soo qaadeen ururka Al-shabaab uu ahaa mid gaadmo ah, balse markii dambe uu goobta ka dhashay dagaal culus.

Saraakiisha ciidanka dowladda ee fariisimaha la weeraray ayaa sheegay in weerarka Al-shabaab ay iska caabiyeen, isla markaasna waxay xuseen in ay khasaare gaarsiiyeen dhinaca soo weeraray in kastoo aan la xaqiijin karin.

Ilo xog ogaal ah oo jooga Baydhabo waxay sheegeen in dagaalku uu ahaa mid aan weynayn oo lagu tilmaami karo nooca ku dhufo oo ka dhaqaaq, ururka Al-shabaab ilaa hadda kama aysan hadlin dagaalka.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

Exit mobile version