AKHRISO: War ka soo baxay Musharax Maxamed Cabdulaahi Farmaajo

Kenya, 02 Octobar 2016 (Nairobi)—- Gudoomiyaha Xisbiga Tayo ahaana Ra’iisul wasaarihii KMG Dowladda Soomaaliya ahna Mussharax Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed “Farmaajo” ayaa cambaareeyay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen Maqaaxida BLUS SKY oo dhiig badan uu ku daatay.

Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ilaah uga baryay intii ku dhimatay inuu Janada kawaraabiyo kuwa dhaawacmayna soo bogsadsaan.

“Innaa Lillahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya Magaca Gudoomiyaha Xisbiga Tayo, iyo keygaba waxaan tacsi u dirayaa qoysaskii iyo eheladii ay ka Geeriyoodeen dadkii shacabka ahaa ee iyaguna weerarkaasi Argagaxisada ah ku Geeriyooday ’’, ayuu yiri Farmaajo.

Farmaajo ayaa waxa uu tilmaamay in looga Baahna Saraakiisha Ciidamada Amniga Dowlada in ay ka fikiraan weerarada ay Al Shabaab ku qaadayaan Goobaha ay ku Sugan yihiin Dadka Shacabka oo Marwalba Dhimasho iyo Dhaawac ka soo gaaro Dadka aan Waxba Galabsan .

“Hey,adda Amniga waxaa looga baahan hayay in ay ka fikiraan Sugida Amniga Dadka Shacabka ah Marwalba oo ay weerara qaadaan waxaana Dowlada looga Baahan yahay in laga Hortago Weerarada Al Shabaab  maahan in Cambaareen oo kaliya Dowlada ku ekaato Maalin Walba waxa Dhinta oo Dhawacma waa Dadkeena Ayuu Yiri Mudane Farmaajo ’’.

Gudoomiyaha Xisbiga TAYO  Maxamed Cabdulaahi Maxamed{Farmaajo} ayaa dhanka kale u sheegay Shacabka Soomaaliyeed ee Taageera in Maalmaha soo socda uu Soo Gaari Doono Magaalada Muqdisho,waxa uuna I suu Gudbi doonaa Gobolada Dalka si uu ula Kulmo Dadweynaha Soomaaliuyeed eek ala Jooga Gobolada Dalka iyo Magaalada Muqdisho.

Horay Farmaajo waxa uu Kulmo Wada Tashia ah la sooo qaatay Shacabka Soomaaliyeed ee Ku Nool Dalka Dibadiisa Inta Badan waxa ayna u Muujiyeen Taageerada ay u Hayaan farmaaj.

—————-DHAMMAAD—————–

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com