AKHRISO: Ururka SOMA(EX-Networka 2013) oo doortay Golaha Fulinta

Shirka  sanadlaha ah ee ururka Warbaahinta Soomaaliyeed (Ex-Network 13) oo ah kii 4aad ayaa waxa ka qaybgalay sanadkan wakiilada 29, Xarun Raadiye, kuwaas oo ka howlaga Puntland, Bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya, sidaas oo kale waxa furitaankii shirka ka qaybgalay wakiilo ka socday hay’adda International Media Support (IMS),  Mac-hadka warbaahinta ee FOJO iyo Raadiyaha arrimaha bani’aadminimada ee Ergo.

Waxa shirka lagu soo bandhigay Warbixin ku saabsanayd howlihii qabsoomaya sanadkii tegey, Caqabadihii ka horyimid howlgalka ururka iyo xog faahfaahsan oo ku saabsan dhaqaalaha iyo maamulka.

Ka qaybgalayaasha shirka ayaa lafa guray qorshaha Shirka 4aad ee Warbaahinta Soomaaliyeed (Ex-Network 13)waxyaabaha xiisaha lahaa ee sida fiican uu shirku u soo bandhigay waxa kamid ahaa dood ku saabsanayd dumarka iyo caqadaha ka haysta Warbaahinta, taas oo soo jiidatay dareenka ka qaybgalayaasha, dhowr caqabad ayay ka qaybgalayaashu shirku ku sheegeen sababaha ugu waaweyn ee dumarka ka haysata kamid noqoshada hoggaanka iyo hagidda howsha Warbaahinta.

Guudmar: Waxqabadka Shirka sanadka 4aad ee Somali Media Association (Ex-Network 13)

Doodda Caqabadaha dumarka ka haysta Warbaahinta.

·         Dumarka soo gala Warbaahinta iyaga oo aan aqoon ahaan dhisnayn ama ay yartahay waaya-aragnimada ay haystaan, ayaa ka kulmayey dhibaato weyn muddo dheer oo la islagartay in ay ka timid billowgii Warbaahinta Soomaaliya ee sanadihii 1943 iyo 1951, taas oo soo gaartay qarniga 21aad, tusaale hablaha ayaa u baahda caawinaadda mid kamid ah ragga ka shaqeeya Xarumaha Warbaahinta, taas oo dumarka ku ridda dabinka rag isku daya in ay uga faaiideystaan baahida ay dumarku u qabaan in ay kamid noqdaan xarun baahineed.

·         Shaqada Warbaahinta oo aad u adag, islamarkaana aan lahyan xilli nasasho oo ka badan maalin ayaa iyana noqotay caqabadkale oo dheddigga ka hortaagan in ay ka shaqeeyaan Xarumaha Warbaahinta.

·         Ka qaybgalayaasha ayaa sidaas oo kale ku sheegay caqabad kale, in ay tahay tirada dumarka, ku jira warbaahinta ee muujiyey guul iyo shaqo weyn,oo aad u yar, taas oo u muujisay in yihiin kuwo taag daran oo aan adkaysi u lahayn qabashada shaqada iyo la qabsiga cadaadiskeeda.

Dastuurka Somali Media Association (Ex-Network 13)

Arrin kale oo muujisay hufnaan iyo hal-adayg weyn ayaa ahayd meel marinta dastuurka Somali Media Association (Network 13), kaas oo ka kooban (21) qodob, waxa ay ka doodistiisu qaadatay saacado badan, waxaana goobta joogay garyaqaano loo casuumay si ay uga talo bixiyaan, una qaabeeyan dastuurka Somali Media Association (Ex-Network 13)

Dastuurkan oo meelmarintiisu heshay tira-dhaaf weyn ayaa u qoran hab qaanuunka iyo sharciyada dalka Waafaqsan.

Waxa uu dastuurkani soo saaray qodobo ogolaanaya  ballaarinta  xarumaha Warbaahineed ee xubnaha ka noqonaya Somali Media Association (Ex-Network 13), kuwaas oo ku imanaya hannaanka uu dastuurku dhigayo, si ay xubno uga nodaan ururkan.

Wadaagga Barnaamijyada (Program sharing)

Wadaagga barnaamijyadu waxa uu ahaa qodob xiiso leh oo ku jiray qorshaha shirka ee Sanadkan, kaas oo lagu soo bandhigay qoraal dheer oo qaabeynayey habka ay xarumaha warbaahineed eek u mideysan Somali Media Association (Ex-Network 13) u wadaagayaan xogaha iyo agabka loogu tala-galay in la baahiyo.

Nidaamka wadaagga barnaamijyadu waa mid kamid ah dhaqamada caanka ah ee warbaahinta adduunka oo dhan.

Taxanaha barnaamijyo ku saabsan nabadda, dowlad-wanaagga iyo dhaqanka ayaa lagu soo bandhigay shirka sanadkan ee Somali Media Association (Ex-Network 13)

Soo dhoweynta Xarumo cusub oo ku soo biiray ururka warbaahinta Soomaaliyeed

Madaxda iyo wakiilada ka qaybgalay shirka sanadlaha ah ee  Somali Media Association (Ex-Network 13), waxa ay soo dhoweeyeen 8, xarumood oo cusub, kuwaas oo soo buuxiyey shuruudaha kamid noqoshada Somali Media Association (Ex-Network 13), ku soo biiridda xarumaha ee ururka Warbaahinta Soomaaliyeed, waxa ay tirade warbaahinta ku mideysan ka dhigeysaa 37 xarun warbaahineed.

Beddelidda magaca iyo Astaanta ururka

Kadib talo iyo falanqeyn dhanka qaanuunka ah oo socotay muddo dheer, waxa ay ka qaybgalayaasha shirka ururka Somali Media Association (Ex-Network 13) isla qaateen in wax laga beddelo magaca iyo astaanta ururka.

Astaantu waxa ay hadda ku jirtaa naqshadeyn iyo ka baaraan-deg, hayeeshee waxa ay ka qaybagalayaasha shirka 4aad ee sanadkan 2016, beddeleen magacii (Network13)

Waxaana laga billaabo 22-May-2016, loo beddelay magacii shabakadda (Network13), magaca cusub ee Somali Media Association(SOMA), iyada oo tafaasiisha iyo fasiraadda habka loo gaabinayo (Abbreviation) ay ku jiraan qaabeyny.

Beddelaadda magaca (Network13), iyo qaadashada Somali Media Association, waxa loo maray hab waafaqsan qaanuunka iyo xeerarka loo sameeyo magacyada ururada.

Doorashada iyo isbeddelka hoggaanka Somali Media Association.

Shirka 4aad, ee Somali Media Association (Ex-Network 13) waxa sanadkan lagu doortay hoggaan cusub iyo gole fulineed, kuwaas oo ujeedkoodu yahay horumarinta howsha Somali Media Association

Waxa lagu doortay shirka sanadkan Guddoomiye cusub, xog-haye guud, Guddoomiye ku xigeen iyo 7 xubnood oo qabanaya xafiisyada socodsiinta howlaha Somali Media Association (Ex-Network 13).

TT

Magaca

Xilka

1.

Ismaaciil Sheekh Khaliifa

Xog-hayaha guud ee Shirka Sanadlaha ah ee Somali Media Association

2.

Maxamed C/laahi Cali Kooshin

Guddoomiyaha Somali Media Association

3.

Maxamed Cwahaab

Guddoomiye ku xigeenka Somali Media Association

4.

C/laahi Xasan Black

Xog-hayaha Dhaqaalaha

5.

Axmed Ciise Guutaale

Xog-hayaha Tababarka

6.

Cfitaax Macalin Nuur

Xog-hayaha Program Sharing

7.

Maxamed Makaraan

 

8.

Maxamed Casayr

 

9.

Ckariim Axmed Bulxan

 

10.

Maxamud Maxamed khayre

 

Tababarka iyo la talinta shirka sanadkan ee Somali Media Association

Sanadkan waxa ka qaybgelaya shirka sanadlaha ah ee Somali Media Association (Ex-Network 13) waaya-arag ka tirsan warbaahinta Afrika, kuwaas oo talo iyo waayo-aragnimo, la wadaagaya ka qaybgalayaasha shirka.

Dhinacyada bedqabka suxufiga, qiimeynta heerka nabadgelyo ee meelaha laga soo tebinayo wararka iyo xirfadaha isbadbaadinta ayaa kamid ah waxyaabaha uu ku saabsan yahay kulanka ugu dambeeya ee shirka Somali Media Association.

WQ: Axmed Ciise Guutaale

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com