Akhriso-Taariikhda madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C Farmaajo.

Garoowe, Feb 09 2017-Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa caawa loo doortay Madaxweynaha 9aad ee jamhuuriyada Soomaaliya, Wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho, sanadku markuu ahaa 1962dii Wuxuu dugsi dhexe uga baxay ama 1-da Luuliyo.

Dugsigiisi dhexe wuxuu ku dhameyestay iskoolkii loo yaqaanay Maxamuud Xarbi, Kan sarena Wuxuu uga baxay Farsamada Gacanta ee Lafoole. Wuxuu shaqada ka bilaabay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dabaayaqadii sanadkii 1982, wuxuu ka howl galay jiray (central archive) Horaantii sanadkii 1985, waxaa loo bedelay Safaarada Soomaaliya ee magaalada Washington D.C, ee dalka Maraykanka. Halkaas oo uu mas’uul ka ahaa arrimaha maamulka lacagta ee safaarada.

Tacliin sare ama heerka jaamacadda wuxuu ka dhamaystay Jaamacadda ku taala magaaalada Buffalo ee gobolka New Yourk (State University of New Yourk at Buffalo). Isla jaamacaddaas ayuu ka qaatay shahaadada Master Degree Takhasuskiisu wuxuu ahaa Cilmiga Siyaasada, Xiriirka Aduunka, Xuquuqda aadamiga , Cilmiga baadi Gobooka Nabada, Horumarinta dadwaynaha iyo shacabka, iyo Xirfadda Hogaamiyaha laga rabo (leadership).

Wuxuu kaloo jagooyin sare kasoo qabtay Dowladda hoose ee magaalada Buffalo ee gobolka New York iyo Degmada loo yaqaano Erie Country oo iyaduna ka tirsan gobolkaas.

Sandadihii 2000-2002, waxaa guddoomiyaha Degmada Erie (Erie Country Executive) uu u magacaabay is ku xiraha xafiiska ganacsatada dadka laga tirada badanyahay (minority) ee ku nool degmada Erie (Erie County Minority Business Enterprises Coordinator) ee Gobolka New York. Halkaas wuxuu ka caawiyay ganacsato aad u fara badan, una fududeeyey sidii ay uga heli lahaayeen qandaraasyo iyo mashaariic degmadaas.

Bishii Oktoober 14, 2010, Mohamed Cabdulahi Farmaajo waxaa loo magacaabay Raisul Wasaaraha Soomaaliya isagoo badelay Raisul Wasaarihii ka horeeyay ee Cumar Cabdirashid oo iska casilay jagadaas ka dib xurguf soo kala dhex gashay isaga iyo Madaxweynihii xilligaas Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Hase ahaatee lix bilood ka dib xiligaas ayaa lagu qasbay inuu xilka iska casilo ka dib wadahadalo ka dhacay Kambala oo lagu xalinayey khilaaf ka taagnaa muddo hal sano ah oo loo sameynayey dowladii Madaxweyne Shariif, waxaana xilka qaadistiisa shuruud ka dhigay Shariif Xasan oo waagaas ahaa guddoomiyaha baarlamanka, waxaana xiligaas ruxay caasimada Somalia banaanbaxyo lagu diidan yahay inuu iska casilo xilka raisul wasaarenimo.

Banaanbaxyadaas ka dib Mr. Farmaajo waxa uu go’aansaday inuu xilka sii haayo illaa inta baralamaanku ay xilka ka qaadayaan, laakiin way u suurto geli weysay inuu sii joogo xafiiska ka dib markii cadaadis aad u xoogan uu kaga yimid beesha caalamka isagoo xilka iska dhiibay 19 Juun sanadkii 2011.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 6
  • xamar 6 years ago

    qaraxii xamar ugu xumaa

  • soomaaliya 6 years ago

    warbixn soomaaliya

    • Istaar 1 year ago

      Magaalada mogadisho aya lagu qabtey 29 Nin oo ka dembeeyey….Qaraxii mOgadisho ee dhalayto

  • Farhan muhumed salad/cilmi bodhari 7 years ago

    M/weyne farmajo waa m/weyne ku dayasho mudan

  • farxaan axmed 7 years ago

    waa taariikh aad ufiican taariikhda madaxweynaheena cusub annagana sharaf ayey noo tahay waa in sida aan utaageernay uu noogu shaqeeyo

    • Farhan714 7 years ago

      Madax weynaheena wuxuu ahaa madax weynaha 9 kan ugu aqoonta iyo shaqada badan

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com