AKHRISO-Taariikh nololeedka ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Muqdisho, Feb 23 2017-Ra’isal Wasaaraha Magacaaban ee Codka Kalsoonida ka sugaya Baarlamaanka ayaa waxaa la sheegay in degaan ahaan uu ka soo jeeda Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud, wuxuuna dhashay 1968.

Sidoo kale Xasan Cali Kheyre Waxa uu heystaa dhalashada Dalka Norway.

Sidoo kale Xasan Cali Kheyre Waxa uu ahaa nin ka shaqeeya Arrimaha Beni aadannimada, Waxa uu Madax ka soo noqday Hay’addaha ka shaqeeya Arrimaha bulshada.

Sidoo kale Waxa uu Madax ka ahaa Qeybta Afrika Shirkadda Som Oil And Gas oo laga Maamulo Dalka Ingiriiska.

Sidoo kale Ra’isal Wasaaraha Magacaaban ayaa ah nin Ganacsato ah, Waxa uu Madax ka ahaa Hay’adda NRC, Waan Nin dhalinyaro ah.

Goobta lagu shaacinayaayay inuu Ra’isal Wasaare yahay Waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka iyo Masuuliyiin kale.

Xasan Cali Khayre, ayaa waxaa uu noqonayaa Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, waxaana muddo bil ah looga fadhiyaa in uu ku soo magacaabo Golaha Wasiirada.

 

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com