AKHRISO Magacyada Xildhibaanada lagu doortay Kismaayo, Baydhobo iyo Cadaado

Somaliya, 11 – Nov, 2016 –  – Kismaayo, Cadaado iyo Baydhobo waxaa maanta ka dhacay Doorashada aqalka hoose ee Baarlamaanka, waxaana kusoo baxay tartanka xubno badan, oo qaarkooda aan ku cusbayn Saaxada siyaasadda Somalia.
 
Haddii aan ku hormarno Kismaayo, waxaa dhacdey doorashadii 3-aad ee xildhibanada aqalka hoose, waxaana halkaasi lagu doortay Lix mudane oo kala ah;  
 
Haashim Nuur Aadan (46 cod)  
 
C/llaahii Abuukar Xaaji (46 cod)
 
Maxamed Cali Cumar (47 cod) 
 
C/qaadir Aadan Nuur (34 cod) 
 
Jibriil C/rashiid Xaaji (39 cod) 
 
Xasan Cabdi Ismaaciil (31 cod) 
 
Sidoo kale, waxaa magaalada Baydhobo lagu doortay  7 Xildhibaan oo kale ah; 
 
Aadan Ibraahim Dhaayow (50 cod) 
 
Xasan Cali Maxamed  (35 cod) 
 
Maxamed Jaamac Mursal  ( 48 cod) 
 
Cali Aden Xuseen (45 cod) 
 
Maxamud Macalin Yaxye (26 cod) 
 
Sheekh Shaacir Sheekh Maxamed (43 cod) 
 
Khaliif Duurey 
 
Magaalada Cadaado waxaa lagu doortay; 
 
Mahad Maxa’ed Salaad, oo ah Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Somalia, oo ah shaqsi aad ugu dhaw Xasan Sheekh iyo Ganacsade lagu magacaabo Saciid Nuur Giirshe. 
 
Meelaha qaar, waxaa doorashada hareeyay musuq-maasuq iyo Kursi gadasho, waxaana lagu kala iibsanayay Kuraasta lacago aad u badan oo gaaraya $5,000, waxaana taasi keentay cabashooyin. 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com