Site icon Radio Daljir

AKHRI-Qaramada midoobey oo diidey in Cabdiqaybdiid kamid noqdo aqalka sare.

New York, Oct 15 2016–War qoraal ah oo kasoo baxay qaramada Midoobey ayaa waxaa lagu joojiyey in madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid), kamid noqdo aqalka sare ee Soomaaliya. 

Qoraalka qaramada Midoobey waxaa lagu sheegay in beesha caalamka iyo madaxda Soomaalidu isku raaceen in habka doorasho ee xilligaani uu ka duwanaado kii sanadkii 2012kii.

Qaramada midoobey ayaa sheegtay in Cabdiqaybdiid uu kaalin kulahaa dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya loona baahan yahay qof aan lahayn taariikhda noocaas ah.

 

Daljir.com

Exit mobile version