Ahlusunna oo ka hadashay degaano laga qabsaday

Ahlusunna oo ka hadashay degaano laga qabsaday

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Ururka Ahlusunna ayaa sheegay in Ahlusunna aysan dooneynin dagaal ay la gasho Ciidanka dowladda Soomaaliya ee la wareegay degmooyinkii ay maamuli jireen.

Waxaa uu sheegay in waxa dhacay in aysan ka fileyn dowladda dhexe ee Soomaaliya, islamarkaana ay noqotay wax kadis ah in Ciidamo laga dul keeno oo Saldhigyadii lagala wareego.

Madaxa Ahlusunna waxaa uu sidoo kale tilmaamay in uu diyaar u yahay in xal buuxa laga gaaro Khilaafka dowladda iyo waliba Ururka Ahlusunna.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo la hadlay warbaahinta, gaar ahaan laanta Afka-Soomaaliga ee VOA ayaa waxa uu sheegay in ay doonayaan in la soo afjaro khilaafka iyo xiisadda ka dhex taagan Ahlu-sunna iyo Dawladda dhexe , waxa uu xusay Sheekh Shaakir in Ahlu-sunna aysan diyaar u ahayn in dagaal wiil kaga dhinto ama kaga dhaawacmo.

Diwaanka
Wararka daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com