Ahlussan oo ka hadashay sababtii ay uga baxday Guriceel & Halka ay hada joogaan

Qoraal dheer oo uu soo saaray Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa waxaa uu ku sheegay in uu aad uga xun yahay in magaalada Guriceel hub iyo ciidan Muqdisho laga keenay lagu dunshay goobahii caafimaadka, ganacsiga iyo meelahii bulshada muhiimka u ahaa, ayna tahay nasiibdarro Somalia usoo hoyatay in Saanadii qaranka lagu gubay guryahii ummada , lagu qaxiyay shacbigii magaalada Guriceel kusoo dhaweeyay si nabad ah.

” Waxaan rabaa in aan u sheego umada soomaaliyeed in aan markii horeba soo dhawaynay baaqyadii nabadda iyo wada-hadalka iyo in aysan dhicin dagaal aan kan shabaab lagula jira ahayn, waxaana u caddaynayaa ummadda somaaliyeed in aan soo dhawaynay mar labaad baaqyada ka imaanayay Culimada , Cuqaasha , Ganacsatada , Siyaasiyiinta , Midawga musharaxiinta iyo beesha caalamka annaga oo tixgalineyna Shacbigeena ayuu yiri” Sheekh Shaakir.

Waxaa uu sheegay in Guriceel ay uga baxeen Codsi uga yimid Culimada, Ganacsatada , bulshada rayidka senataro iyo Siyaasiyiin reer Galmudug ah , ayna ka codsadeen inay wareejiyaan labadii gaari ee lagu qabsaday dagaalkii ka dhacay degaanka Bohol ee Gobolka Galgaduud, isla markaana Gaadiidkaas ay wareejiyeen.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com