Ahlu-Sunna Wal-jameeca oo Maamul Cusub u Dhisaysa Gobolada Dhexe

Khamiis, Juun 25, 2015 (Daljir)_ Ururka Ahlusunna waljamaaca oo ka arimiya qeybo ka tirsan gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya, ayaa shaaciyay in magaalada Dhuusamareeb lagu qaban doono shir maamul loogu sameynayo gobolada dhexe.

Afhayeen u hadlay Ahlusunna, laguna magacaabo Sheekh Maxamed Mursal, oo u waramay warbaahinta gudaha dalka ayaa sheegay, in sidaas ay codsadeen bulshada gobolada dhexe, islamarkaana Ahlusunna ay fududeyneyso oo keliya qabsoomidda shirkaas, si buu yiri dadka goboladaas aayahooda uga tashadaan, waa siduu hadalka u dhigaye.

Sheekh Mursal ayaa sheegay in go’aankan la qaatay, ka dib markii dadka goboladaas ay ogaadeen in shirka Cadaado lagu hagardaameeyay waa siduu hadalka u dhigaye, waxuuna sheegay in shirka ay hogaanka u hayaan ee ka furmaya magaalada Dhuusamareb ay ka soo qeybgeli doonaan xildhibaano ka socda baarlamaanka federaalka Soomaaliya, iyo weliba qaar ka mid ah xildhibaanadii dhawaan lagu xulay shirka Cadaado, oo dabcan ku qanci waayay shirka Cadaado.

Ahlusuuna ayaa shirka Cadaado horay u qaadacday, waxayna ku eedeysay inuu yahay shir ay wataan kooxo gaar ah, oo aan ka tarjumeynin rabitaanka shacabka goboladaas.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com