Agaasimihii Wasaaradda Haeenka Puntland oo geeriyooday

Agaasimihii Wasaaradda Haeenka Puntland oo geeriyooday

Dawladda Puntland waxay ka tacsiyaynaysaa geerida ku timid Marxuun Cabdirisaaq Nuux Maxamed ( Hantiile ) oo ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska ee Dawladda Puntland, Marxuunka ayaa galabta casarkii ku geeriyooday Caasimada Puntland ee Garoowe.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Tacsi guud u diray dhammaan goleyaasha Dawladda Puntland iyo shacabkooda, sidoo kale wuxuu Madaxweynuhu si gaar ah ugu tacsiyeeyay Qoyska iyo Eheladii Allaah ha’u naxariistee Marxuun Cabdirisaaq Nuux Maxamed ( Hantiile ), isagoo Alle uga baryay marxuunka inuu ka waraabiyo Janno Fardowso Aamiin Aamiin.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com