HomeUncategorized

Agaasimihii idaacaddii Somaliweyn oo caawa lagu dilay magaalada Muqdisho.

Caption ...

Xukuumadda Galmudug oo soodhoweysey barlamaanka cusub ee Hirshabeelle.
Madaxweyne Gaas oo Gaalkacyo ku Dhagax dhigay Madaxtooyo cusub
DHAGAYSO:Degmada Eyl oo Maamul Cusub Yeelatay

Moqdisho, Feb, 28 ? Allaha u naxariistee waxaa caawa salaadii maqrib kaddib Moqdisho lagu dilay agaasimihii idaacaddii Soomaaliwayn marxuun Abuukar Maxamuud ?Kadaf?.

Wararka ay warbaahinta maxalliga ah kasoo xiganayaan dad-goob joogayaal ah ayaa ku waramaya in dilku uu ka dhacay degmada Wadajir, marxuunkana rasaas lala beegsaday xilli uu ku sugnaa meel aan sidaasi uga fogayn gurigiisa oo degmadaasi ku yaala.

Dhagar-qabayaashii dilka gaystay oo la tilmaamay inay ahaayeen 2 nin oo ku hubaysan bistoolado ayaa ka baxsaday goobta, kaddib markii ay halkaasi soo gaareen ciidanka ammaanka ee degmada Wadajir.

28-kii bishii January ayaa isla degmada Wadajir ee gobolka Banaadir waxaa isna lagu dilay Allaha u naxariistee agaasimihii idaacadda Shabeelle Xassan Cismaan Cabdi (Fantastico).

Dabayaaqadii 2009-kii ayay ahayd markii guud ahaanba agabkii warbaahinta Soomaaliwayn ay la wareegeen kooxda Al-shabaab.

Diiwaanka Wararka
Daljir Garowe.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: