Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Amniga Dowladda federaalka oo shaqada laga joojiyeey

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa shaqo joojin ku sameeyay Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Yuusuf Cali Maxamed oo ka mid ahaa Agaasimayaasha mudada dheer xilalka ka haya Wasaaraddaha Xukuumadda.

Mr Ducaale ayaa si KMG ah xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha ugu magacaabay Axmed Cabdi Kooshin, waxaana la faray Hey’addaha amniga dowladda inay si buuxda ula shaqeeyaan Sii Hayaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Axmed Cabdi Kooshin.

Warqad ka soo baxday xafiiska Wasiir Ducaale ayaa lagu sheegay in Wasiirku tixgeliyay ahmiyada Agaasimaha Guud u leedahay dhismaha iyo hannaanka shaqo ee wasaaradda iyo baahida loo qabo howlaha shaqo ee Wasaaradda Amniga Gudaha iyo go’aankii Golaha wasiirada ku baabi’iyeen Xoghayaha Joogtada wasaaradda.

Inkastoo qoraalka faafintiisa ay soo baxday shalay oo ku beegneyd 17 bisha Agosto, hadana shaqo joojinta Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Amniga ayaa dhacday 7-dii bishan 10 maalmood ka hor maalinta warqada rasmiga ah ka soo baxday Xafiiska Wasiirka


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com