Agaasimeyaal la isku shaandheeyey (Akhriso)

Agaasimeyaal la isku shaandheeyey (Akhriso)

Madaxweynaha Dawladda Pusntland isku shaandhayn  ku SameeyayAgaasimayaal Guud iyo Agaasime waaxeedyo.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 28 June 2018 xafiiskiisa kasoo saaray wareegto isku shaandhayn Agaasimayaal Guud iyo Agaasime waaxeedyo.

Xeer Madaxweyne Lr.74 ee June 27 2018 kuna saabsan isku shaandhayn Agaasimayaal Guud iyo Agaasime waaxeedyo.

Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Markuu arkay:                      Dastuurka Dawladda Puntland.

Markuu arkay:                      Aqoontooda, kartidooda iyo waaya aragnimadooda shaqo

Markuu latashaday:             Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland

Markuu Tixgeliyey:              baahida loo qabo habsami usocodka hawlaha

wasaaraddaha

Wuxuu Xeeriyey:                                               

  1. Waxaa Axmed Cali Shire (Kayse) oo ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha loo magacaabay Agaasimaha  Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo waraabka.
  2. Waxaa Ibraahim Xareed Cali oo ahaa Agaasimaha  Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo waraabka loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.
  3. Waxaa Aadan Caabi Samatar oo ahaa Agaasimaha waaxda Hotumarinta Xoolaha loo magacaabay Agaasimaha waaxda caafimaadka xoolaha.
  4. Waxaa Cabdirxmaan Maxamed Jaamac oo ahaa Agaasimaha waaxda caafimaadka xoolaha loo magacaabay Agaasimaha waaxda Horumarinta Xoolaha.

 

  1. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu.

 

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

— 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com