Agaasime Koofi oo Tababar uga furay Copenhagen Saraakiil ka tirsan Hey’add

Agaasime Koofi oo Tababar uga furay Copenhagen Saraakiil ka tirsan Hey’add

Agaasimaha guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Col. Maxamed Aadan Koofi ayaa tababar ku saabsan hababka maareynta socdaalka xuduudaha iyo hubinta dukumentiyada safarka uga furay Magaalada Copenhagen ee dalka Denmark saraakiil ka tirsan qeybaha Socdaalka dalka.

Tababarka oo socon doona mudo todobaad ah ayaa waxaa bixinayaa khubaro iyo saraakiil ka tirsan Booliiska Denmark. Saraakiisha ayaa sidoo kale booqasho aqoon kororsi ah ku tagi doona xaafiisyada Socdaalka iyo garoonka caalamiga ah Copenhagen.

Agaasimaha Guud ayaa uga mahadceliyay dowladda Denmark fursadda tababar ee ay ugu deeqeen howlwadeenada HSJ, wuxuuna kula dardaarmey saraakiisha in ay ka faa’iideystaan casharada tababarka oo muhiimad gaar ah u leh howlaha socdaalka dalka. Denmark ayaa ka mid ah dalalka saraakiisha HSJ ay u tagaan tababarada iyo aqoon kororsiga.

Dhinaca kale Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka Col. Maxamed Aadan ayaa todobaadkii hore safar ku tagay dalka Switzerland, halkaasoo uu kulamo kula qaatay masuuliyiinta Laanta Socdaalka, Booliiska iyo wasaaradda arimaha dibadda Switzerland.

Kulamada ayaa looga hadley iskaashi ay labada dal ka yeeshaan arimaha socdaalka iyo is-dhaafsiga khibradaha.

Sidoo kale Wafdiga ayaa booqasho aqoon kororsi ah ku tagey xaruumaha Laanta Socdaalka, Xaruunta Xaqiijinta Dukumentiyada Safarka, Taliska Booliiska, Wasaaradda Arimaha Dibadda iyo Garoonka Diyaaradaha Geneve.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com