Agaasime Koofi oo la kulmay Madaxweynaha Koonfur Galbeed (Sawiro)

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya G/sare Maxamed Aadan Jimcaale (Kofi) oo uu wehliyo Ku xigeenkiisa Mudane Xasan Cabdulqaadir Maxamed ayaa Safar shaqo ku tagay Magaalada Baydhabo ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Agaasimaha ayaa waxaa Garoonka Shaati guduud kusoo dhoweeyay qaar kamid ah Wasiirada Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed iyo Saraakiisha Laanta 3-aad ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Agaasimaha Guud iyo ku-xigeenkiisa ayaa xarunta madaxtooyada Koonfur Galbeed kulan kula qaatey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), waxaana laga kwada hadlay sidii loo dardar gelin lahaa howlaha Hay’adda socdaalka Jinsiyaddaay ka heyso Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, iyo sidoo kale xoojinta wadashaqeynta hay’adda iyo maamulka.

Agaasimaha ayaa kormeer ku tagey qaar ka tirsan xaafiisyada Laanta 3-aad, wuxuuna warbixino ka dhageystay Saraakiisha Laanta, isaga oo ku dhiira geliyay in ay shaqadooda u gutaan si hufnaan iyo xilkasnimo ku jirto.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com