Afhayeenka guddiga doorashooyinka oo shaaciyey hannaanka asxaabtu u kala hari doonaan.

Hargeysa, Nov 25 – Maalinta Arbacad ah 28-ka bishaan aynu ku guda jirno ee Nov, deegaannada Soomaaliland waxaa ka dhici doona doorashooyinkii golaha deegaanka, taasoo ay ku loolamayaan 7 urur siyaasadeed iyo labo xisbi qaran.

Haatan, waxaa socdo olalayaashii cod-raadineed ee ururada iyo xisbiyada, iyadoo si weyn loolanku uga aloosan yahay gobollada iyo degmooyinka kala duwan ee maamulka Somaliland.

Guddiga doorashooyinka Somaliland, ayaa maanta oo Axad ah, shaaciyey qaabka dhicitaanka doorashada, talagallada ku aaddan? sugidda amniga, iyo kala soocidda saamiyada codeed ee ururada tartamaya ay kala helaan, taasoo lagu kala xaqiijinayo cidda ku tallaabaysa xisbi qaran iyo cidda ku siinagaanaysa ahaansha ururkeeda siyaasadeed.

Afhayeenka guddiga doorashooyinka Somaliland Md Maxamed? Axmed Geelle, ayaa shir jaraa’id oo uu galabta ku qabtay xarunta guddigaasi ay deggan yihiin ee magaalada Hargeysa, waxaa uu ku sheegay guddigooda kaliya in ay u xilsaaran yihiin shaacinta natiijooyinka ka aslaaxa nidaamka doorashooyinka deegaan ee Somaliland, loogana fadhiyo iyaga kala soocidda iyo kala sifaynta codadka dadweynaha ay ururada iyo axsaabta siiyeen.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir
(G).
?

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com