HomeUncategorized

Afhayeenka baarlamaanka Puntland oo iclaamiyey ajandaha kalfadhiga 25-aad ee baarlamaanka Puntland.

Garowe, Oct 31 - Afhayeenka baarlamaanka Puntland Md. C/rashiid Maxamed Xirsi ayaa u gudbiyey M/weynaha iyo mudanayaasha golaha wakiilada ajandaha ka

Saado Cali ?dowladda Puntland ha xaliso tabashada shacabka Sool, Sanaag iyo Cayn.? (dhegeyso)
Maalintii labaad ayuu galay Shirka la xisaabtanka laamaha Dowladda Puntland
DHEGEYSO-Barnaamijkii Saaka iyo Dunida iyo Tallman.

Garowe, Oct 31 – Afhayeenka baarlamaanka Puntland Md. C/rashiid Maxamed Xirsi ayaa u gudbiyey M/weynaha iyo mudanayaasha golaha wakiilada ajandaha kalfadhiga 25-aad ee baarlamaanka Puntland.

AJANDAHA KALFADHIGA 25-AAD EE GOLAHA WAKIILLADA.

Ujeeddo:- Soo gudbin Ajandaha Kalfadhiga 25-aad ee Golaha Wakiillada ee 26/09/2010.

Mudane Madaweyne,

Waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa Ajandaha kalfadhiga 25-aad ee golaha wakiilada Puntland, kaasoo laga rabo in ay soo gudbiyaan Golaha Xukummadda waana sidan:-

1. Soo gudbinta Miisaaniyadda 2011 DPL

2. Dhamaystirka Dhismaha Golaha Garsoorka

3. Soo gudbinta Xeerka Guddiga Doorasada

4. Soo gudbinta Xeerka Aftida Dastuurka.

5. Soo gudbinta Xeerka Difaaca Xuquuqda Aadanaha

6. Xasaanad siinta Wasiirada Dhiman & Mas?uuliyiinta kale ee looga baahan yahay in ay helaan Xasaanad.

7. Iyo wixii xeerar ah ee ay Xukuumadu soo gudbiso.

Allaa Mahad leh

C/rashiid Maxamed Xirsi
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: