Afghanistan iyo Maraykanka oo wadahadal qarsoodi ah la leh ururka Daalibaan

Kabul,Feb 16 -Dowladda Maraykanka iyo xukuumadda dalka Afghanistan ayaa bilaabay wadahadal saddex dhinac ah oo la leeyihiin urruka Daalibaan , sida uu sheegay madaxweynaha dalkaasi Afghanistan Mr xamiid kariizaay.

? waxaa jiray xidhiidh u dhexeeyey dowladda Maraykanka iyo Daalibaan , wadahadal u dhexeeyey dowladda Afghanistan iyo Daalibaan ,waxaa jiray wax uun wadahadal ah oo la sameeyey ? sidaasi ayuu madaxweyne Kariizaay u sheegay jariirada Wall Street Journal ,waraysi la baahiyey maanta oo khamiis ah.

Sida uu sheegay wargeyskan madaxweyne Kariizaay ayaa ka gaabasaday in uu sharraxaad ka bixiyo meesha ay marayaan wadahadalada lala leeyahay Daalibaan.

“dadka reer Afghanistan waxa ay doonayaan nabad ,marka Daaalibaan waa ay nagu jiraan, waa dadka dalknai sida aan anaguba nahay,waxa ay leeyihiin qoysas iyo qaraabo ,waxa ay leeyihiin carruur , waxana haysta dadkaasi dhibaatadii ugu xumayd? sidaasi ayuu wargeysku kasoo xigtay Xamiid Kariizaay.

Hadalkan ka soo yeedhay Madaxweynaha Afghanistan ayaa muujinaya horumarka laga sameeyey dadaadalada nabadeed ee bilowga ah ,iyadoo ciidamada caalamaiga ah ay isu diyaarinayaan in ay halkaasi ka baxaan sanadka 2014.

Isaga oo Television-ka Aljazeera u waraayey ayuu Cabdalla Weqas, oo taliye ururka Daalibaan uga ah degmada Kunar sheegay in guulihii ay gaadheen ay ku qasabtay maraykanka in uu miiska wadahadalka soo fadhiisto.

Abdirashid Musse
Daljir Bosaso.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com