Afar iyo toban ruux oo la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen weeraro xalay kadhacay Baydhabo

Baydhabo, July , 2 – Ugu yaraan 14- ruux ayaa ku geeriyooday weerar hoobiyeyaal loo adeegsaday oo xalay lagu qaaday  xaafado katirsan magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee  maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, sidoo kale waxaa jira dad dhaawac uu kasoo gaaray oo la dhigay isbitaalada magaalada Baydhabo.
 
 
 
Weerarkan ayaa dhacay xilli dadku ay cibaadaysanayeen oo ay kujireen salaaddii tahajudka , wararka ayaa sidoo kale sheegaya dadka hoobiyeyaasha qaybtood inay ku dhaceen xaafado ku dhow madaxtooyadii hore ee magaalada Baydhabo.
 
Ilaa iyo hadda maamulka Koonfur Galbeed kama hadlin weerarkan khasaaraha gaystay ee xalay kadhacay magaalada Baydhabo.
 
Radio Daljir
 
 

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com