ADDIS ABABA: Madaxda DDS iyo Canfarta oo heshiis kala saxiixday

ADDIS ABABA: Madaxda DDS iyo Canfarta oo heshiis kala saxiixday

Magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya lagu soo gabagabeyay wadahadal u dhaxeeyay madaxweynayaasha dowlad deegaannada Soomaalida iyo Canfarta kaasi oo xal loogu raadinayo dagaallo maalmihii la soo dhaafay labada qoomiyadood ku dhaxmaray qaybo ka mid ah gobolka Siti.

Heshiiska waxaa qalinka ku duugay Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar iyo Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Canfarta Awal Arba.

Heshiiska nabadeed ee ay labada madaxweyne ka gaareen colaaddi labada deegaan u dhaxeysay waxaa horkaceysay Wasiiradda nabadda ee dalka Itoobiya Mufariyaat Kaamil.

Labada deegaan xadka ay wadaagaan waxaa ku dhex maray dagaal uu dhiig badan ku daatay shacab badanna ay ku barakacen.

Soomaalida iyo Canfarta ayaa marar badan ku dagaallamay deegaanno ay labada dhinac lahaanshahooda kala sheegtaan sida Candhuufa, Cadheyti, Garba-ciise iyo tuulooyin kale oo ku yaalla xadaka ay wadaagaan deegaannadaasi.

Dhinaca kale wali ilaa hada xal waarana lagama gaarin sheegashada dhulka la isku hayo waxaana xaaladda sii huriyey guddiga doorashooyinka dowladda dhexe ee Itoobiya oo soo saaray go’aan ah in 8 tuulo oo xadka labada deegaan ku teedsan iney doorasha ka dhaceyn shacabka degganna ay codkooda ka dhiibtaan tuulooyinka u dhow ee ay gaari karaan.

Diiwaanka wararka
Radio Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com