Abwaan Sangub oo Jigjiga lagu Aasay

Abwaan Sangub oo Jigjiga lagu Aasay

Magaalada Jigjiga ee Xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaa Maanta Aas Qaran loogu sameeyay Marxuum Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise “Sangub”.

Abwaan Sangub oo kamid ahaa Abwaanada ugu weynaa taariikhda Ummadda Soomaaliyeed ayaa maalmo ka hor ku geeriyooday Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya,kadib markii maalmihii la soo dhaafay halkaasi uu ku xanuunsanayay.

Aaska Abwaanka ayaa waxaa ka qeyb galay Wafdi ka socday dowladda Soomaaliya oo isugu jira Xildhibaano, Fanaaniin, Abwaano iyo Masuuliyiin ka socota Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com