Abwaan Axmed Saleebaan Bidde: Taariikhdii Fanka iyo Hal-abuurka Heesaha iyo Riwaayadaha

Abwaan Axmed Saleebaan Bidde: Taariikhdii Fanka iyo Hal-abuurka Heesaha iyo Riwaayadaha

Abwaan Axmed Saleebaan Bidde waxaa uu ka mid ahaa abwaaniintii Soomaaliyeed ee ku caanka noqday hal-abuurka iyo curinta suugaanta kala duwan, waxaana Abwaan Axmed Saleebaan Bidde uu uga duwanaa abwaaniintii kale ee Soomaaliyeed yaraantiisii ayuu soo bilaabay curinta iyo abuuridda suugaanta. Abwaanku waxa uu leeyahay riwaayado iyo heeso caan noqday oo uu curiyey isaga oo arday ah, kuwaas oo la dhigay sannadihii 1962 illaa 1964.

Abwaan Axmed Saleebaan Bidde markii uu waynaaday wuxuu noqday abwaan loo tiriyo aftahnimo badan xagga suugaanta iyo hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida ah. Abwaanku waxa uu sameeyey Riwaayado caan noqday, kuwo kalena waxa uu ka soo noqday jilaa si weyn uga dhex muuqda, wuxuu kale oo uu leeyahay heeso badan oo ay qaadeen fannaaniintii Soomaaliyeed kuwii ugu caansanaa, aanna ka xusi karno kuwo ay qaadeen Mooge iyo Magool.

Inkasta oo uu ka soo mid noqday kooxii fanka Soomaaliya, uuna ka mid ahaan jiray kooxdii Hobollada Waabari, misna hanaqaadiddiisa hal-abuurnimo waa ay ka sii horraysay xilliyadii ay curteen kooxihii fanka ku caan noqday ee ka dhisnaa Soomaaliya.

Sannadkii 2012 ayaa wariye Cabdifataax Cumar Geeddi oo ka tirsan bahda Radio Daljir waxa uu abwaanka kula kulmay magaalada Hargeysa isaga iyo abwaanno kale oo ay isku waayo ahaayeen Axmed Saleebaan Bidde.

Abwaanku waxa uu Daljir uga warramay taariikhdiisii fanka iyo hal-abuurkaba, siiba xilligii uu bilaabay wax curinta, riwaayadaha iyo heesaha uu allifay iyo arrimo kale oo isla qaddiyadahaas la xiriira.

Abwaanku waxa uu marka hore ku bilaabayaa sharraxaad shaqsinimadiisa iyo taariikhdiisii nololeed.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com