Abiy Axmed oo safar ku tagay dalka Qatar

Abiy Axmed oo safar ku tagay dalka Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo wafdi ballaaran uu hoggaaminayay ayaa maanta gaaray magaalada Doxa ee dalka Qatar, kaddib markii uu martiqaad ka helay Amiirka Qatar.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Doxa ku soo dhaweeyay Jassim bin Saif Al Sulaiti oo ah Wasiirka Isgaarsiinta Qatar.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Bin Hamad al-Thani ayaa lagu wadaa in wada hadalo ku yeeshaan qasriga Madaxtooyada.

Wada hadalada labada dhinac ayaa diiradda lagu saari doonaa xiriirka labada dal, iskaashiga iyo xaaladaha ka jira Gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan is bedelka uu hormuudka ka yahay Abiy Ahmed.

Tartanka Juquraafiga Siyaasadda ee Gobolka Geeska Afrika ayaa u muuqda mid sii xoogeysanaya, marka loo eego loolanka dalalka Khaliijka ka dhaxeeya, sida Sacuudiga, Imaaraadka oo dhinac ah iyo Qatar.

Qatar ayaa xilligan galaan-gal xooggan ku leh arrimaha Gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan dowladda Soomaaliya oo ay xulufo la tahay, isla markaana siiso taageero dhaqaale.

Safarka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ku tagay Qatar ayaa ku soo aadaya, iyadoo 28-kii bishii February uu booqasho ku tagay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com