Abiy Axmed oo ka hadlay doorashadii uu kusoo baxay Xasan Sheekh

Abiy Axmed oo ka hadlay doorashadii uu kusoo baxay Xasan Sheekh

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali ayaa kamid noqdya dadka u ha halyeynaya Madaxweynaha markale dib loogu doortay Soomaaliya ee Xasan Sheekh Maxamuud.

Qoraal kasoo baxay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa waxaa lagu yiri” Waxaan jeclaan lahaa inaan dhaho hambalyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo mar kale loo doortay madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya. Waxaan aaminsanahay inaan kawada shaqayn doono danaha labada dhinac iyo
arrimaha joogtada ah.

Sidoo kale Abiy Axmed waxaa uu sheegay in uu rajeynayo in uu si dhow ugala shaqeeyo
Arrimo ku saabsan labada dhinac iyo mid la xiriirta
danaha Gobolka.

Ra’iisul Wasaaraha Itooboya Abiy Axmed ayaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay wuxuu ahaa saaxiibka gaarka ah ee Madaxweynaha lagu guuleystay ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isaga oo u fuliyay dano dhowr ah oo uu ka lahaa Soomaaliya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com