Abey Axmed: “Sharciga ayaan horkeeynaynaa madaxweynihii hore Cabdi Iley”

Abey Axmed: “Sharciga ayaan horkeeynaynaa madaxweynihii hore Cabdi Iley”

Raysal wasaaraha Itoobiya Abey Axmed oo wax laga waydiiyay mustaqbalka madaxwaynihii hore Soomaali Galbeed ayaa waxaa uu sheegay in arrinkiisa uu u yaalo cadaaladda Itoobiya, isagoo loo ciqaabo dooni dambiyadii uu galay iyo dadkii uu dhibaatada uu u gaystay.

Abey ayaa waxaa uu sheegay jamhadaha hubaysan ee Itoobiya inay qalinka qataan, kuna dagaalamaan iyo fakerkooda, ayna iska dhigaan hubka ay wataan.

Dhanka kalle baarlamaanka gobolka Soomaali Galbeed ayaa yeelanaya maanta oo axad ah kulan degdeg ah, wararka qaar ayaa sheegaya in looga hadlayo badalidda calanta iyo heesta oo noqon doonta heesta qaranka ee Soomaaliya.

Gobolka Soomaali Galbeed ayaa iminka waxaa uu wajahayaa isbadalo waawayn kadib magacaabistii madaxwaynaha cusub oo waxbadan ka badlay hanaankii gobolka loo maamulayay mudadii uu ku jiray gacanta dowladda Itoobiya.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com