Site icon Radio Daljir

Abey Axmed oo siyaasiyiin saamayn ku leh siyaasadda Amxaarada iyo Oromada xilal u magacaabay

Raysal wasaaraha Itoobiya Abey Axmed oo culaysyo siyaasadeed ay ka haysteen gobolada Amxaarada iyo Oromada ee Itoobiya ayaa xilalka wasiirada gaansahdigga iyo arrimaha dibadda ee Itoobiya u magacaabay siyaasiyiin saamayn ku leh goboladaasi.

 

Wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa loo magacaabay Gedu Andargachew oo ahaa madaxwaynihii gobolka Amxaarada, waxaana wasiirkii hore ee arrimaha dibadda loo magacaabay madaxa xafiiska QM ee Nairobi.

Wasiirka Gaashaandhigga ee Itoobiya ayaa loo magacaabay  Lemma Megresa  oo ahaa madaxwaynihii ismaamulka Oromada.

Abey ayaa culaysyo siyaasadeed ay ka haysteen gobolada Amxaarada iyo Oromada ee Itoobiya, kuwaasi oo u muuqday mid uu ku dejinayo xilalka loo magacaabay siyaasiyiinta miisaanka ku leh goboladaasi.

 

Exit mobile version