Abaaro baahsan oo kajirra degaano Puntland ka tirsan (dhegayso)

Abaaro baahsan oo kajirra degaano Puntland ka tirsan (dhegayso)

Deegaanka Abaareey oo ka tirsan Gobalka Nugaal ayaa laga soo sheegayaa xaalad abaareed oo adag,iyado dadku codsiyo u jeediyeen dowladda iyo shacabkaba ugu baaqay in laga qayb qaato caawinta dadkaas biyo la’aantu hayso.

Saleebaan Xasan Faarax oo la soo xariiray Radio daljir ayaan Radio daljir uga waramay xaaladda Abareed ee kajirta degaankaas iyo qiimaha Biyaha oo u sheegay in foostadi biyaha la kala siisto laba boqol iyo konton dollar.

Dhinac kalana deegaanka God aalo oo ka tirsan degmada Taleex ee gobalka Sool ayaa waxaa laga soo sheegayaa xaalad biyo la,aaneed iyo nolol xumo oo haysta qoysaska ay soo barakicisay abaartu ee ku sugan deegaankaasi.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com