Site icon Radio Daljir

Aadan Gebi, Guddoomiyaha Dhabbad: “Bariiska Anagaa ku Filan ee Magta nala Bixiya!”

Waxaa weli Muqdisho ka soconaya shir loogu magacdaray shirka dib-u-heshiisiinta Soomaalida kaas oo ay ka qaybgalayaan maamulada dalka ka jira. Shirka waxaa soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Isimo iyo Nabadoono badan oo Daljir la soo xiriiray ayaa waxay ka cabanayaan in aysanba ka warqabin shirka dib-u-heshiisiinta Xamar ee la sheegayo, cid la soo xiriirtana aysan jirir, ayaga oo ku daraya su’aasha ah: “hadaba yaa shirka loo qabanayaa haddii qabiiladii laga tagay?”

Shirka oo la yiri waa mid lagu heshiisiinayo dadka Soomaaliyeed ee wax kala tabanaya, ayaa hadana la wada ogyahay in dhibka ugu daran uu yahay “kala-tabashada qabaa’ilada” oo dhiiggu si joogto ah u dareero asbaabo la xiriira mag, bixin la’aan mag, iyo mag la isku haysto.

Qabaa’ilada is haya waxaa ka mid ah kuwa deegaanka Waqooyiga Galgaduud, waxaana Radio Daljir xaalka waqooyiga Galgaduud uga waramay Aadan Cabdinuur Galaal “Aadan Gebi” oo ah Gudoomiyaha Degmada Dhabbad.

Adan Gebi oo Dawladda Federaalka la hadlaya wuxuu yiri, “bariiska Xamar aad dadka ku siinaysaan ka daaya oo magta naga bixiya ama nala bixiya, bariiskana anagaa ku filan!”

Waa kan Adan Gebi iyo waraysigii oo dhammaystiran. Hoos ka dhegayso.

https://zeno-devlab.s3.amazonaws.com/media/47591/59440bac0201001607867550/Waraysi+Gudoomiyaha+Dhabbad+Aadan+Cabdinuur+Galaal+Aadan+Gebi+16_June_2017.mp3?_=1

 

 

Exit mobile version