Aabbaha maxbuus marxuun Axmed Maxamed Abokor oo u dhintay jirdil ciidamada khaaska ah ee Janaraal Muxyadin ayaa Puntland ka dalbaday jawaab degdeg ah (dhegayso)

Aabbaha maxbuus marxuun Axmed Maxamed Abokor oo u dhintay jirdil ciidamada khaaska ah ee Janaraal Muxyadin ayaa Puntland ka dalbaday jawaab degdeg ah (dhegayso)

Sawirka Taliyaha Booliska Puntland Janaral Muxyadin Axmed Muuse iyo Marxuun Axmed Maxamed Xaaji Abokor

Aabbaha dhalay Axmed Maxamed Xaaji Abokor oo ahaa maxbuus loo soo qabtay falal argagaxisino iyo in uu ka tirsanyahay kooxaha Daacish iyo Al- shabaab oo isaga oo aan maxkamad la horgayn u dhintay jirdil ba’an oo ay xeebta Boossaso ugu gaysteen ciidamada khaaska ah ee Taliyaha Booliska Puntland, Janaral Muxyadin, ayaa waxa uu caawa dowladda Puntland ka dalbaday in ay jawaab degdeg ah ka bixiso tacadiga biniaadanimada ka baxsan ee loo gaystay wiilkiisa.

Aabbaha marxuumka ayaa ku tilmaamay wiilkiisa in uu ahaa nin u soo shaqaynayey waalidkiisa, maantana si sharcidarro ah iyo maxkamad la’aan ay dowladda Puntland u dilatay, kuna dishay meel cidla ah oo aan ahayn xarun ciidan ammaan.

Maxamed Xaaji oo ku sugan Muqdisho waxa uu u waramay wariyaheena Xasan Heykal.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 2
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com