47 jir kamid ahaa ragii isku qarxiyay Hotelka Saxafi Jimcihii la soo dhaafay

47 jir kamid ahaa  ragii isku qarxiyay Hotelka Saxafi Jimcihii la soo dhaafay

Ururka Al-Shabaab ayaa baahiyay Magacyadda qaar ka mid ah ragii fuliyay weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Hoteel Saxafi ee  magaalada Muqdisho jimcihii la soo dhaafay .

Al-Shabaab ayaa ninka kowaad ku sheegay Magaciisa Axmed Aadan Mursal oo ku magac dheeraa (Axmed Guduud) oo ahaa nin dhalinyaro ah oo kasoo jeedda degaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Ninka labaad ayaa lagu sheegay magaciisa Mukhtaar Maxamed Ibraahim (Qeys) oo sidoo kale loo yaqaano (Saalax Salagle), Waxaa uu dhashay 1969, isaga oo Shabaab ku biiray 2011, da,diisa waxa ay aheyd 47 sano jir,waxaana uu ka soo jeeday degmada Salagle ee gobolka Jubadda dhexe.

Ninkaan ayaa muddo ka tirsanaa AL- Shabaab, isaga oo markii dambe go,aansaday in uu ku biiro qaybta qaraxyada Shabaab.

Shan kamid ahaa ragii weerarkan soo qaaday ayaa la togtay iyagoo doonayay in ay gudaha ugalaan Hoteelka .

 

illaa iyo 52 ruux ayaa ku dhimatay weerarka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com