450 qof oo dalka Pakistan ugu Geeriyootay kulayl daran oo ku dhuftay dalkaas

Talaado, Juun 23, 2015 (Daljir)_Inta la hubo 450 qof ayaa dalka Pakistan ugu geeriyooday kulayl ba’an oo ku dhuftay koonfurta dalkaas sedexdii maalin ee la soo dhaafay ,iyadoo ciidamada iyo kooxaha gurmadka deg-degga ah ee dalkaas ay bilaabeen samaynta xarumo lagula tacaalo dadka uu kulayku soo ritay.

Dhimashada ugu badan ayaa ka dhacday magaalada Karachi ,iyadoo cimilada ay gaartay halkii ugu sareysay muddo sanado ah ,waxaana lagu soo waramayaa in gobolka Sindh ay xaraaraddu maanta tahay 45C.

Isbitaalada dalkas ayaa la sheegay in iminka ay buux dhaafiyeen dadka uu ku dhacay xanuunka heatstroke-ga  loo yaqaan ,waxaana la sheegay in korontada dalkaas ay buux dhaafiyeen dadka isticmaalaya.

Shirkadda korontada bixisa oo lagu mgacaabo K-electric ayaa sheegtay in korontadooda aysan ku filnayn guud ahaan gobolka uu kulaylku ka jiro, xilli lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com