3,382 arday oo maanta imtixaan u fadhiistay degaanada maamulka Galmudug

3,382 arday oo maanta imtixaan u fadhiistay degaanada maamulka Galmudug

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare Ee Galmudug ayaa maanta si rasmi ah u daahfurtay imtixaanaadka fasalka 8-aad ee 2021-2022.

Waxaa imtixaanaadka Caasimada Dowladda Galmudug ka daahfuray Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Mursal Cabdi Aadan, Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud Nuur Cilmi Ganey iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Cali-Bashiir Cilmi Xuseen oo ay weheliyeen qaar kamid ah Agaasime waaxeedyadda Wasaaradda.

Imtixaanaadka fasalka 8-aad ee 2021-2022 waxuu ka dhacayaa 22 Xarun imtixaan oo kukalayaal 12 Degmo ee Goboladda Mudug iyo Galgaduud, Waxaana maanta Imtixaanka si rasmi ah u ugu fariistay 3,382 arday.

Wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Galmudug waxay guul urajeynaysaa ardayda Galmudug ee maanta Imtixaanka gala.

Ugu danbayn waalidka waxaa laga codsaday in ay ardayda qureec soo siiyaan afarta maalin ee imtixaanaadku socda.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com