HomeUncategorized

300 ka mid ah ciidanka badda ee Puntland oo tababar loogu soo xiray magaalada Boosaaso.

Boosaaso, Nov, 15 ? Wafti uu hoggaaminayo M/kuxiggeenka dawladda Puntland General C/samad ayaa maantay magaalada Boosaaso waxay tababar ugu soo xireen ku dhawaad 300 ka mid ah askarta ciidanka badda Puntland.

DHEGEYSO-Barnaamijkii Xulashada Daljir iyo Faadumo Ladan.
Dowladda Kenya oo sheegtay inay ka feejigan tahay weerarada Alshabab.
Ciidamada amniga ee magaalada Garoowe oo 4-qof usoo qabqabtay isticmaalka maandooriyaha khamriga.

Boosaaso, Nov, 15 ? Wafti uu hoggaaminayo M/kuxiggeenka dawladda Puntland General C/samad Cali Shire ayaa socdaal ay maantay ku gaareen magaalada Boosaaso waxay tababar ugu soo xireen ku dhawaad 300 ka mid ah askarta ciidanka badda Puntland.

Wararka laga helayo ilo-weereedyo ku dhaw-dhaw xafiiska madaxtooyada magaalada Boosaaso ayaa tilmaamaya in M/kuxiggeenku uu goobta xiritaanka tababarka uu ka bixin-doono darajooyin isugu jira dalac-siin, iyo abaal-marinno kale duwan.

Md. C/samad Cali Shire ayaa la tilmaamayaa socdaalkiisa inay ku wehliyeen madax-ka tirsan golaha wasiirada dawladda, oo uu ka mid yahay wasiirka arrimaha guddaha dawladaha hoose iyo hormarinta reer-miyiga General C/llaahi Axmed Jaamac ?Ilkajiiir? iyo madax-kale.

Wixii warar ah oo ka soo kordha waxaad kala socon-doontaan Radio Daljir.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: