3 Haween ah oo weerar ku qaaday saldhig boolis oo ku yaala gobolka xeebta ah ee Kenya

Booliska kenya ayaa toogasho ku dilay seddex haween ah oo la sheegay in ay weerareen saldhig boolis oo ku yaala magaalada xeebta ah ee Mombasa. Haweenkaasi ayaa mindi ku weeraray sarkaal booliska ah oo ku sugnaa saldhiga, kaddibna waxa ay dhalooyin holcaya oo gaas uu ku jiro ay ku tureen askartii kale.

Taliyaha guud ee ciidamada Mombasa Patterson Maelo ayaa sheegay in seddexda haween ee la toogtay ay iska dhigeeen dad laga soo dhacay taleefanada gacanta oo doonayay in dacwad oobiga saldhiga ka qortaan.

..Markii gudaha ay u galeen seddexdaasi haween saldhiga mid ka mid ah mindi ayey ku weerartay askarigii fadhiyay oobiga, halka labadii kalena ay dhalooyin uu gaas ka buuxo ay ku weerareen saldhiga ayuu yiri taliyaha guud ee ciidamada Mombasa Patterson Maelo .

Waxa uu intaasi ku daray taliyaha guud ee ciidamada Mombasa Patterson Maelo in labo ka mid ah haweenkii weerarka geystay boolisku ay ku toogteen dabaqa hoose, halka mid ka mid ah ay u gudubtay dabaqa labaad oo ay halkaasi iyadana lagu toogtay .

Magaalada Mumbasa oo ah magaalo ay ku noolyihiin Muslimiinta ugu badan gobolka xeebta ah ee kenya ayaa waxa ka dhaca weeraro lagu bartilmaameedsado xarumaha booliska iyo mas’uuliyiin ka tirsan dolwdda kenya

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com