27-Sano kadib oo la bilaabay duulimaad habeen ah garoonka Muqdisho (dhegayso)

27-Sano kadib oo la bilaabay duulimaad habeen ah garoonka Muqdisho (dhegayso)

Garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa xalay ka bilowday duulimaadkii u horeeyey ee habeen ah oo garoonka laga sameeyo muddo 27-sano kadib oo ay diyaarad xilli habeenimo ah ay ka dhoofto,

Diyaaradda ayaa waxaa raacay rakaab badan oo ay ku jiraan masuuliyiin dowladda Soomaaliya katirsan, waxaana ay xalay u dhooftay garoonka diyaaradaha ee Nairobi.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Bayle oo ka mid ah rakaabkii kadhoofay garoonka ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay inuu xilli habeenimo ah uu dhoofo.

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Maxamed Cabdulaahi Oomaar ayaa ka codsaday shirkadaha duulimaadyada inay ku daydaan talaabadan ay qaaday shirkadda Ocean.

 

Garoonka ayaa waxaa dhowaan kasocday dib u habayn lagu casriyaynayo.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com