24-qof oo ku dhintay dibadbax rabshado wata oo ka bilowday dalka Suudaan

Khartuum, Sep 26 – Ugu yaraan 24 qof ayaa ku geeriyoodey mudaaharaadyo rabshado wata oo ka dhacay caasimadda dalka Suudaan ee Khurduum, kaddib markii ay dowladda dalkaasi jartay kharashkii ay ku kaabi jirtey qiimaha gaaska.

Agaasimaha isbitaalka Ummu Durmaan Osama Mortada ayaa u sheegay BBC in isbitaalka uu maamulo lasoo gaarsiiyey dhaawaca 21 qof, kuwaas oo dhamaantood isbitaalka ku geeriyoodey, halka saddexda qof ee kale la geeyey isbitaallo kale.

Osama, ayaa sidoo kale sheegay in tirada dadka rabshadahaas ku dhaawacmay ay gaareyso 80 qof, isagoo xusay in dadka dhintey dhammaantood ay qabeen dhaawacyo xabbadeed, gaar ahaan madaxa iyo laabta.

Dhaqaalaha dalka Suudaan ayaa ahaa mid aan cago fiican ku taagneyn laga soo bilaabo sanadkii 2011, markaasoo ay ka go’day Koonfurta Sudan oo dhankeeda ay raaceen ceelalkii shidaalka oo dowladda Khurduum ay dhaqaalaha ugu badan ka heli jirtey.

Qiimaha maciishadda daruuriga ah ayaa cirka isku shareeray, sidoo kale waxaa aad hoos ugu dhacay qiimaha lacagta Suudaan marka loo barbar dhigo lacagaha qalaad gaar ahaan doollarka.

Mudaaharaadayaasha oo dhalinyaro u badnaa, islamarkaana ka careysnaa go’aanka ay dowladdu ku gaartey in la joojiyo kharashkii lagu kaabi jirey qiimaha shidaalka, waxay gubeen dhisme jaamacadeed iyo dhowr goobood oo kamid ahaa kuwa shidaalka laga qaybiyo.

Dad goob-joogeyaal ah ayaa sidoo kale sheegay in mudaaharaadayaashu ay xireen qaar kamid ah waddooyinka ugu muhiimsan ee caasimadda Khurduum, iyagoo sidoo kale dab qabadsiiyey gawaari dhowr ah.

Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-bashiir oo daka kala hadlay TV-ga qaranka, ayaa ugu baaqay in ay xaaladda dejiyaan, isagoo sheegay in arrintani ay salka ku hayso hoos-u-dhaca dhaqaale ee dalkaas ka jirey laga soo bilaabo sanadkii 2011, kaddib markii %75 ceelashii shidaalku ay raaceen Koonfurta Suudaan.

Diiwaanka wararka

Daljir Bosaaso.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com